Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Goordhow Qarax Miino uu ka dhacay.
Qaraxa oo sida la sheegay ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay Gaari tignikaa oo la socday kolonyo Ciidan ah oo ka tirsan mileteriga Soomaaliya, kuwaas oo ku socdaalayay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Qof ku sugan deegaanka Weydow ayaa KNN u xaqiijiyay in uu arkay meydka labo ruux oo mid uu ahaa qof shacab ah iyo dhaawaca Askar kale
Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka degmada Afgooye Ee gobolka Shabeellada Hoose kuna soo jeedeen dhanka Muqdisho, waxaana lasoo warinayaa in qaraxa ka dib ay Ciidamadu fureen rasaas badan, waxaana la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay.