Somali News

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Bay

Baydhabo-KNN-Ciidamo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta Qarax Miino nuuca dhulka lagu aaso waxa ay kula kacday duleedka degmada Qansax-Dheere ee gobolka Bay.

Qaraxaas ayaa ciidamada koonfur galbeed waxaa kasoo gaaray khasaare kala duwan, waxaana mas’uuliyadiisa dusha u ritay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Labo Askari ayaa la sheegay in qaraxaas ay kaga geeriyoodeen kolonyadii Ciidamada Koonfur Galbeed waxaana jira dhaawacyo aan wali la ogeyn tiradooda rasmiga ah.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulka degmada Qansax-dheere wali kama hadlin dhacdadaas, dad ku sugan degmada Qansax-dheere ayaa KNN u xaqiijiyay in ciidamada oo mararyay duleedka degmadaas ay Miino la kacday saacado kadibna Isbitaalka magaaladaas la gaarsiiyay labo Askari oo me yd ah iyo dhaawaca Askar kale.