Somali News

Faah-faahin Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Boosaaso

Boosaaso-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Qarax uu ka dhacay afaafka hore ee Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Bari.

Ugu yaraan Sedeed ruux ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacantay qaraxa oo ka dhacay irida laga galo Maxkadda darajada koowaad ee gobolka Bari oo ku taala magaalada Boosaaso, dadka dhaawacmay ayaa iskugu jiro Taliyihii ilaalada maxkamadda, Askar, shaqaale, iyo dad shacab ah, sidaasi waxaa sheegay sakiisha caafimaadka ee Isbitaalka magaalada Boosaaso oo dhaawacyadaasi la gaarsiiyay.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari uu lahaa guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Bari oo sida la sheegay safar shaqo ugu maqan magaalada Garowe.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, sidoo kale ma jirto cid loosoo qabtay, laamaha amaankuna wali kama hadlin qaraxii saakay ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari