Somali News

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Shabeellada Dhexe

Jowhar-KNN-Inta u dhaxeysa deegaanka Qalimow iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa goor dhow waxaa Qarax Miino lagula beegsaday gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.

Qaraxa oo sida la sheegay ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, hal Askari ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday halka dhaawacana lagu sheegay Seddax Askari oo gaarigaasi la socday.

Gaariga uu haleelay qaraxaasi ayaa la sheegay in uu ka baxay deegaanka Gololey kuna siijeeday fariisin Milateriga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Ceelka Geelow oo ku dhow Qalimow.

Dhanka kale gaari Cabdi Bile ah oo gurmad ahaan ugu socday gaariga uu qaraxu haleelay ayaa waxaa isna qabsaday Qarax kale, waxana wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas.

wixii ka soo kordha kala soco halkaan: