Uncategorized

Dhageyso:-Qarax Khasaare Sababay oo ka dhacay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose

Bariire–KNN– Wararka ka imaanaya degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya Qarax Miino lagula Beegsaday Degaanka Bariire islamarkaana Qaraxa uu geystay Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Hal Askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa la Xaqiijiyay inuu ku dhintay Qaraxa,halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda ayaa Toogasho ku dilay Qof Shacab ah,waxaana la sheegay in Qofka la dilay ay Ciidamadu Howlgal ku soo qabteen,iyadoo Goobjoogeyaashu ay sheegeen in Ciidamadu ay dileen Qofkaasi ka dib markii uu isku dayay inuu Ciidamada ka Fikado.

Degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose waxaa Maalmahaan uu marti geliyay Weeraro Joogto ah oo ay ku soo qaadaan dagaalameyaasha Al-shabaab.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka