Somali News

Qarax khasaaro dhimasho & dhaawac ka dashay oo ka dhacay G/Sh/Dhexe

Waxaa faah faahino laga helayaa qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac geystay oo lala eegtay Sarkaal ka tirsan Militariga Soomaaliya kaas oo marayay inta u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta xaqiijiyay qaraxa oo ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso waxaa ku dhintay Askar gaareysa 9, halka ay ku dhawaacmeyn in ka badan, xili ay saarnaayeen gaari Cabdi Bile, waloow qaraxa uu ka badbaaday Col Saney Cabdulle oo ay la socdeen askartaas waxyeelada kasoo gaartay qaraxa miino.

Intaa kadib Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo goobta qaraxa gaaray ayaa halkaas ka qaaday dhaawacyada & meydadka, iyagoo gaarsiiyay isbitaalka Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana ay goobta ka sameeyeen baaritoono.

Waxaa la sheegay in kolonyada uu hoggaaminayay Col Saneey ay ku wajahnaayeen Magaalada Jowhar taas oo maanta lagu wado inay ka dhacdo doorashada kuraas taala magaaladaas.

Sidoo kale, qorshaha Col Saney Cabdulle ee uu ku tagayo magaalada Jowhar ayaa ah ka qeyb galka doorashada kursiga HOP#141 oo ah kursiga barlamaanka ku matala kaas oo uu ku fadhiyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale.