Dhuusamareeb-KNN-Wararka Caawa naga soo gaaraya Magaalada dhuusamareeb Ee xarunta Maamulka Gal-mudug ayaa sheegaya in halkaas Ciidamada ammaanka magaalada ay ka wadaanhowlgal ay ku baadi goobayaa qarax la sheegay in la gaaliyay magaaladadhuusamareeb Ee Gobolka Gal-gaduud islamrkaasina la damacsan yay.
Ciidamada ayaa saldhiga magaalada ku xiray 27 qof oo isugu jira rag iyo dumar ku waasi oo la aaminsan yahay in ay ka war-qabaan qaraxaas.
Dadkan la qabtay ayaa lagu soo waramayaa in gabi ahaantooda laga qab-qabtay xarumo ganacsi oo ay ku leeyihiin bartamaha magaalada.
Howlgal ayaa haatan soconaya,waxaana magaalada dhuusamareeb shacabka ku nool ay hadal hayaan qaraxaas la sheegay in uu ku jiro magaalada.
Shalay waxaa baaqday Xaflad weyn lagu soo gabagabeen lahaa Xuska bisha mowliid oo sanad walba la qabanjiray,sababta baaqashada ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabay in qaraxaas halka xuska lagu qabanay lagu weeraro.
Saraakiisha Ciidamada Gal-mudug ee jooga magaalada dhuusamareeb oo aan la xiriirnay waxaa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan wararkaas,hasa ahaatee waxaa sheegeyn in ay wadaan baaritaan marka ay soo gabagabeeyaana howlgalkaasna ay lahadli-donaan warbaahinta.


