Uncategorized

Qarax labaad oo goor dhow ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa goor dhow qarax kale uu ka dhacay isgoyka Banaadir ee magaalada Muqdisho, qaraxaasi oo loo adeegsaday Gaari nuuca raaxada ah sida ay tilmaamayaan warar kala duwan oo soo baxaya.

Gaarigaan is qarxiyay ayaa la sheegay inta uusan qarxin ka hor in ay ka shikiyeen ciidamo ku sugnay Barkoontarool oo ka ag dhow Isgoyska Banaadir, dadkana ay ugu digeen in laga ag dhawaada gaarigaasi, ciidamada ayaa furay rasaas ay ku kala ceyrinayeen dadka shacabka ah.

Gaadiidka gargaarka deg dega ah  iyo dad shacab ah ayaa ku sii qulqulaya goobta uu qaraxa ka dhacay si ay ugu gur madaan dadka wax yeelada soo gaartay.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, aygoo hakad giliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro xoog leh oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah iyo Askar halkaasi ka ag dhawaa.

Daqiiqado ka hor ayaa qarax kale wuxuu ka dhacay wadda aada Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde halkaas oo qof Gaari watay is qarxiay Bar koontarool oo fadhiisimo u aheed ciidamada NISA oo ay ku baaraan Gaadiidka aada Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

La soco wixii ka soo kordha.