Somali News

Qarax lagu dilay Gudoomiye xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Shabelaha Hoose.

Wararka aan ka heleyno Degmada Afgooye ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu weerarey hoygiisa uu u geeriyooda Gudoomiye xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Shabelaha Hoose Cumar Maxamud (Cumar carabey).

Cumar Carabeey Allaha u naxariistee wuxuu u geeriyooday dhaawac halis ah oo weerarkaasi ka soo gaaray.

Laamaha ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa bilaabay baaris ku aadan falka lamana sheegin wali cid ay u soo qabteen.