Muqdisho-KNN-Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle ayaa goor dhaw qarax lagula beegsaday duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, xilli ay ku wajahnaayeen magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle .
Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso ayaa lagu bartilmaameedsaday kolonyo gaadiid ah oo uu hoggaaminayey guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda gobolka Shabeellada Dhexe Cabdullaahi Shitaawe.
Inta la xaqiijiyay Afar ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas oo ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenkii maaliyadda gobolka Shabeellada Dhexe Cabdullahi Shitaawe, Wasiirkii hore ee ganacsiga Hir-Shabeelle Sabriye Cismaan iyo sarkaal ka tirsanaa mid kamid ah hey’adaha gargaarka ee ka howlgala gobolka Shabeellada Dhexe oo magaciisa lagu sheegay Xasan Badoos.
Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo soo gaaray askar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin.
Wixii kasoo hordha kala soco KNN: