Uncategorized

Qarax lagu diyaarinayay Guri ku yaalla Degmada Kaaraan oo ku Qarxay Dadkii Diyaarinayay

Muqdisho–KNN–Guri ku yaalla  Xaafadda Buurka-Diikow Ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa Xalay waxaa ka dhacay Qarax Sababay Dhimasho  iyo dhaawac oo soo gaaray Dadkii Diyaarinayay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ku dhintay Ninkii Diyaarinayay iyo Gabar yar oo uu dhalay,waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Xaaska Ninka uu ku Qarxay Qaraxa uu diyaarinayay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah ,waxaana uu intaas ku daray in Ninka isqarxiyay uu dhawaan ka yimid Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhowr jeer ayaa Qaraxyo nuucaan oo kale ah oo ay Diyaarinayeen Rag ka tirsan Al-shabaab waxaa ay kula kaceen Guryo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Wadooyinka intaba.