Somali News

Qarax lagu hoobtay oo ka dhacay Dalka Afghanistan

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan sideed ruux ayaa dhimatay halka 50 kalana ay dhaawacmeen kadib qarax loo adeegsaday gaari oo ka dhacay gobolka Ghazni ee dalka Afghanistan.

Hasan Raza Yousafi, oo ah xubin ka tirsan golaha gobolka ayaa sheegay in bartil maamaydka qaraxu uu ahaa xero ay daganyihiin sirdoonka oo kutaala caasimada gobolka Ghazni.

Sida ay dowladda Afghanistan sheegtay in sideed ka mid ah xubnaha amaanka qaranka  ay qaraxa ku dhimatay halka 50 ruux oo kale oo shacab ahna ay ku dhaawacmeen.

Zabihullah Mujahed, oo ah afhayeenka ururka Talibaan ayaa sheegay mas’uuliyada weerarku in ay iyaga leeyihiin, isagoona intaasi ku daray in weerarka ay ku dileen kuna dhaawaceen Tobonaan ka mid ah xubnaha amniga qaranka Afgaanistaan.