Somali News

Qarax lagu weeraray Masjid ku yaalla Afghanistan

Qarax xooggan ayaa lagu weeraray masjid ku yaalla galbeedka magaalada Kabul, xilli salaadda lagu jiray, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof, halka 20 kalena ay ku dhaawacmeen.

Besmullah Xabib, oo ah ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha gudaha Afgaanistaan, ayaa sheegay in qaraxa Jimcihii uu ka dhacay masjidka Khalifa Aga Gul Jan ee galbeedka magaalada Kabul abaare 2-dii duhurnimo ee xilliga dalkaasi Afghanistan, xilligaasi oo ay ku cibaadeysanayeen Boqolaal Rayid ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha, Mohammad Nafi Takor, ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano, haddana ay goobta goobta isku gadaameen ciidamada ammaanka ee Taliban. Qaraxan ayaan la ogeyn halka uu ka yimid, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.