Somali News

Qarax lagu xiray Gaari gacan oo ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo Xaafada   Siinay ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax lagu xiray Gaari gacan uu ka dhacay halkaasi.

Ilo Wareedyo ayaa KNN u sheegay in qaraxa  uu ahaa Miinada nooca dhulka lagu Aaso oo lagu soo hoos qariyay Gaari gacan, kadib la soo dhigay goob ay ku sugnaayeen Ciidamo qaada canshuurta ee ka tirsan dowlad federaalka soomaaliya.

Qaraxa ayaa dhacay qeybta Khudaarta  Siinay, waxaana ku dhaawacmay 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Minishiibiyadda iyo 2 qof oo kale oo ka mid ah dadka shacabka ah, Inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn  tirada dhimashada ah.

Ciidamo ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa goobta gaaray,waxaa ayna halkaasi ka bilaabeen baaritaano,iyagoona xiray wadooyinka soo gala Suuqa  Siinay ee Magaalada Muqdisho