Somali News

Qarax lala beegsaday askar oo ka dhacay dalka Turkiga.

Muqdisho-KNN-Qarax haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamada booliska dalka Turkiga ayaa ka dhacay koonfurta magaalada Adana, iyadoona ay ku dhaawacmeen shan ruux sida ay sheegeen masuuliyiinta maxaliga ah.

Qaraxan ayaa dhacay galinkii hore ee maanta oo Arbaca ah sida gudoomiyaha gobolka Mahmut Demirtas, u sheegay wakaaladda wararka ee Anadolu.

Mid kamid dadka dhaawacmay ayaa lasheegay in uu ahaa sargaal katirsan booliska, iyadoona intaasi lagu daray in dadka dhaawacmay uusan dhaawacoodu halis ahyn.

“Xaaladda dhaawacyadu waa mid wanaagsan. Muwaadiniituna  waxaa lageeyayisbitaalada ayuu hadalkiisa sii raaciyay” gudoomiye Demirtas.

Illaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka. Iyadoona masuuliyiinta gobolku ay sheegayaan in ay baaritaano ku hayaan cida ka danbeesay weerarka.

Dagaaladii ugu qasaaraha badnaa ayaa gobolkani ka dhacay intii u dhaxeesay sanadihii 2015’kii illaa 2016’kii. Kuwaas oo badankood lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen kooxda Daacish iyo dagaalamyaasha Kurdiyiinta.