Somali News

Qarax lala beegsaday ciidammo ka tirsan Kenya

Kenya-KNN-Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya deegaanka Lamu ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan kuwa Kenya qarax la beegsaday.

Inta la xaqiijiyay 5 askari ayaa geeriyootay,halka 10 kale ay ku dhaawacmeen,kadib markii qarax miino lala beegsaday,iyagoo ku safraya gudaha deegaanka Lamu ee dalka Kenya.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan lala beegsaday ciidamada Kenya ee uu khasaaraha kasoo gaaraya.