Somali News

Qarax loo adeegsaday gaari gacan oo xalay ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Wararka laga helayo Suuqa Bakaraaha ayaa sheegaya in Xalay Qarax gaari gacan lagu soo  raray uu ka dhacay meel u dhow Xawaalada amal ee Magaalada Muqdisho.

Dadka Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Qaraxa xoogeysa laga maqlay qeybo ka mid ah Degmooyinka Magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo hada lama oga khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.

Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa loo adeegsaday gaari gacanka uu ka dhacay.

weli ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha amaanka ee dowlada Soomaaliya.

Waana qaraxii labaad oo loo adeegsado gaari gacan.