Somali News

Qarax maanta ka dhacay Gobalka Gedo.

Ceelwaaq-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan  in qarax xoogan uu maanta  ka dhacay degmada Ceelwaaq ee Gobalkaasi.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhacay meel maqaayad ah oo shaaha laga cabo oo ku taala degmada Ceelwaaq, waxaana maqaayadda uu qaraxa ka dhacay ay u dhowdahay saldhig boolis oo ku yaala degmadaasi.

Inta la ogyahay 7 qof ayaa ku dhaawacan tahay qaraxa ka dhacay maanta degmada ceelwaaq ee Gobalka Gedo.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo ilaa iyo hada aan la ogeyn.

Saraakiisha ciidamada amaanka ee Degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo oo la hadlay KNN ayaa sheegay in saacadaha soo aadan ay faahfaahin ka bixin doonaan qaraxaasi ka dhacay Degmada Ceelwaaq.