Somali News

Qarax maanta ka dhacay suuq ku yaalo Gobalka Bay

Baydhabo-KNN-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax miino oo maanta ka dhacay degaanka Goof-Gaduud oo katirsan Gobalka Bay waxaana la sheegayaa in Qaraxa uu ka dhacay Suuq Ganacsi oo halkaasi ku yaalo.

Wariyaha Idaacadda Kulmiye ee Gobalka Bay ayaa soo sheegaya in Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso, uu ka dhacay Suuqa Ganacsiga ee degaanka Goof-Gaduud, waxaana ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dad shacab ah ay ku dhintayn Qaraxaasi, waxa ayna ku eedeeyeen Al-shabaab. Si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi.