Uncategorized

Qarax Miino Ciidamada Puntland lagula Eegtay Duleedka Magaalada Boosaaso.

Boosaaso-KNN-Qarax xoogan ayaa waxa saaka laga maqlay Degmada Boosaaso duleedkeeda waxaana uu ahaa mid lala eegtay ciidan katirsan Maamul Gobolleedka Puntland.

Qaraxa waxa la sheegay in uu haleelay gaari nuuca Cabdibile ah oo Askarta Puntland la socdeen xilli uu marayey Wadada isku xirta Boosaaso iyo Gal gala.

Waxaa aad u adag in la helo khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi ee ciidanka la weeraray soo gaaray.

Waxaa lasoo sheegayaa in Dhimasho iyo dhaawac qaraxa ugeystay Ciidanka marayey deegaanka galgala ee duleedka Boosaaso.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Qarax ciidanka Puntland lala Eegto.

Dagaalamayasha Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Miinada goobta la galiyay, kuwaas oo ku dhuumalaysta Buuralayda Galgala ee gobolka Bari.

Puntland ayaa todobaadyadii tagay dagaal culus ku qaaday Kooxaha Shabaab iyo Daacish, waxaana jira dad badan oo lagu tuhunsan yahay Kooxahaas oo Ciidanku ay gacanta ku dhigeen.