Muqdisho-KNN-Qarax Miino ayaa caawa waxaa uu ka dhacay Xaafadda Labo dhagax degmada Warta nabadda ee Gobalka Banaadir.
Jugta qaraxa ayaa caawa waxaa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow maqaayada Al-nasri oo Ku taala xaafadda Labo dhagax ee Muqdisho.
Inta La xaqiijiyay 2 qof ayaa Ku geeriyootay, halka 5 kalana ay Ku dhaawacmeen.
Ciidamada Booliska ee degmada Warta nabada ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoona xiray halka uu qaraxa ka dhacay.
Ma jiraan weli wax faahfaahin ah oo ka soo baxay Taliska booliska Soomaaliya iyo maamulka degmada Warta Nabada.