Uncategorized

Qarax miino oo galabta Ciidamada Dowladda lagula Beegsaday deegaanka Calamada.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaarayo deegaanka Calamada ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa soo sheegayo in galabta Qarax miino uu haleelay Gaari Nuuca Ciidanka ah ee loo yaqaano Cabdi Bille oo ay saarnaayeen Ciidanka Ka tirsan kuwa Soomaaliya.

Goob joogayaal ku sugan deegaanada Calamada iyo Xaawo Cabdi ayaa sheegay in ay maqleen Galabta mar qoraxda sii dhaceysay Dhawaaqa Qarax Culus kadibana ay uuro is qabsatay meelo ka mid ah deegaanadaasi, sidoo kale qaraxa ka dib ayaa la maqlay rasaas ay rideen Ciidankii gaariga saarnaa.

Ilaa hadda lama oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay qaraxa, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay Ciidanka diideen in loo dhawaado halkii uu qaraxa ka dhacay waxaana mudo hakad la giliyay isku socodka gaadiidka iyo dadka.

Qaraxa ayaa la aamisan yahay in uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray ciidanka inkastoo aanan la ogayn tirada rasmiga, nuuca qaraxa ayaa lagu sheegay in uu ahaa miino la giliyay laamiga dhinaciisa kadibna ay ku qaraxday Ciidan halkaasi marayay.