Uncategorized

Qarax miino oo goor-dhaw ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.

Ceelasha-Biyaha-KNN-Qarax miino oo ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeyso Deegaanka Siinka dheer iyo deegaanka Ceelasha Biyaha Biyaha ee duleedka Magaalada waxaana qaraxa ka dib la maqlay rasaas badan oo ay rideen Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in Qaraxa la giliyay meel Laamiga ah kadibna lagu qarxiyay Gaari ay wateen Ciidanka Dowladda balse ay ka badbaadeen Ciidankii saarnaa mana jirto wax shacab oo ay Waxyeelo ka soo gaartay qaraxaasi

Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in qaraxa ka dib ay maqleen rasaas badan oo ay rideen Ciidankii Gaariga Saarnaa ee qaraxa ka badbaaday.

Deegaanada ku yaalo duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo Laab Laabtay qaraxyada dhulka loo galsho Ciidanka Dowladda Soomaaliya ee halkaasi ku safraya.