Muqdisho-KNN-Goob joogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Qarax miino fiidkii Caawa uu ka dhacay degmada Hodan ee Gobalka Banaadir gaar ahaan meel u dhaw Isgoyska Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Warar ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay shan kale ay ku dhaawacmeyn waxaana dadkaas la sheegay in dhamaantood ay shacab yihiin ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay.
Saraakiisha amaanka ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aaso, xiliga uu dhacayeyna waxaa goobtaasi ka gudbay Gaari Nuuca aan qaraxyado iyo Xabadda karin ee loo yaqaano Buruuf “Proof’ lamana oga cida wadatay, xaaladda ayaa hadda degan waxaana goobta ku sugan Ciidamada amaanka magaalada Muqdisho.
La soco wixii warar dheeraad ah oo ku soo kordha.