Uncategorized

Qarax miino oo goordhow ciidamada AMISOM lagula Beegsaday Degaanka lafoole

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaaraya Deegaanka lafoole  ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada AMISOM goordhow qarax miino lagula beegsaday deegaankaas.

Dadka deegaanka oo la hadlay  KNN  ayaa xaqiijiyay in  mid ka mid ah kolonyada gaadiidka AMISOM uu qaruxu qabsaday,iyadoona la sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay qaraxaas

Marka uu qaraxa dhacay ayaa ciidamada AMISOM waxaa ay bilaabeen inay rasaas furan,iyadoona Haatan goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku sugan yihiin,Waxaana in Wadaas ay xireen Ciidamada AMISOM.

Dowlada Soomaaliya markii ay ku dhawaaqday in dagaal lala galayo Al-Shabaab ayaa Waxaa soo badanayay miinooyinka Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku aasayaan Degaanada hoostaga gobalka Shabeelaha Hoose.

 

Warkan wixii ku soo kordha la soco inshaa Allaah