Somali News

Qarax Miino oo haleelay gaari dad shacab ah ay saarnaayeen oo marayay Jubada Hoose

Taabta-KNN-Wararka ka imaanayo degaanka Taabta ee Gobalka Jubada Hoose ayaa soo sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacyo ah sida ay sheegayn dadka degaanka.

Qaraxa oo meel wado ah la geliyay ayaa la sheegay in uu haleelay Gaari Homey oo qudaar waday waxaana ku dhintay 1 qof 2 kalane waa ay ku dhaawacmeen sida ay sheegayn dadka degaanka.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa saarnaa gaariga qaraxa haleelay waxaana la soo sheegayaa inuu ku jiro qof dhaawaciisa halis yahay.

Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Al-Shabaab ay qarxiyeen dad shacab ah oo musaafur ah. Jubbaland ayaa sidoo kale sheegtay in ay adkeyn doonto amaanka degaanka oo kamid ah meelaha ugu daggan Soomaaliya.