Somali News

Qarax miino oo ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya duleedka Degmada Wanla-weyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya qarax miino Ciidamada xoogga lagula beegsaday degmadaasi.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa Baahisay in shan askari lagu dilay Degmada Wanla-weyn,, halka lix kalana lagu dhaawacay.

Ma jiraan ilo ka madax banana oo xaqiijinaya warka soo baxay dagaalamayasha Al-Shabab.

Dhanka kale Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Xoogga iyo Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii qarax miino ciidamada xooga lagula beegsaday Duleedka Degmada Wanla-weyn ee Gobalka Shabeelaha Hoose.