Muqdisho-KNN-Qarax khasaaro geystay ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya.
Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Kolonyo ka tirsan Ciidamada Xoogga qaraxa Miino lala eegtay xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa deegaanada Weydoow iyo Tareedisho,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi.
Gaariga la qarxiyay ayaa waxaa la sheegay inuu ka yimid degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellada Hoose, iyadoona uu ku soo wajahnaa Magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay 3 askari ayaa ku dhaawacan tahay, qaraxa ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan maanta ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho,kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada Xoogga.