Somali News

Qarax miino oo maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

Muqdisho-KNN– Qarax miino ayaa la soo sheegayaa inuu maanta  ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka Magaaladda Muqdisho.
Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in qaraxa lala beegsaday gaari nuuca raaxada uu watay nin ku labisan dariiska Ciidamada Xooga dalka, inkastoo ilaa iyo hada aan la helin magaca qofka la qarxiyay
Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay inuu ka baxay Muqdisho, islamarkaana waxaa uu ku sii jeeday deegaaanka Ceelasha Biya.
Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhintay qaraxa oo kala ahaa qofka gaarigiisa uu haleelay qaraxa  Miinada nuuca dhulka lagu aaso  iyo qof shacab ah oo watay mooto.
Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya.