Somali News

Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka qof isku soo xeray waxyaabaha qarax ayaa goordhow isku qarxiyay xerada ciidanka ee Genaraal Dhega Badan Ex- warshadii Nacnaca ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah, sida ay goobjoogayaal u sheegeen KNN.

Wararka ayaa sheegaya in xerada ay ka socotay qorista dhalinyaro ka mid noqonaya ciidanka Danab, inkastoo mid ka mid ah dhalinyaradii uu is qarxiyay.

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 20 qof ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa kadib ay maqlayaan rasaas ay ridayaan ciidamada dowladda.

Ma jiraan weli faahfaahin intaasi ka badan oo laga helayo qaraxa