Somali News

Qarax sababay dhimasho iyo dhawaac oo ka dhacay Shabeellada dhexe

Qarax ay dad shacab ah ku dhinteen ayaa saakay waxaa uu ka dhacay deegaano hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala beegsaday mooto ay saarnaayeen dad shacabka, waxaana la soo werinayaa in khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay qaraxaasi.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu ka dhacay deegaanka miir tuuge ee degmada Mahaaday.

Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku geeriyootay, halka 3 kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaasi, sida uu soo sheegayo weriyaha KNN ee gobolka shabeellada dhexe Bashiir Cali Daahir

Ma jiraan weli wax war oo ka soo baxay maamulka degmada Mahaaday ee gobolka shabeellada Dhexe