Muqdisho-KNN-Qarax khasaaro badan dhaliyay ayaa caawa waxaa uu ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobalka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay Iridda hore ee dugsiga Tababarka booliska ee Genaral kaahiye ee loo yaqaano Iskuul Buluuziya oo ka tirsan Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa, islamarkaana lagu weeraray dugsiga Tababarka Booliska ee Genaraal Kaahiye, sida ay KNN u sheegeen goobjoogayaal goobta Ku sugan.
Sidoo kale qof goobjoog ah ayaa sheegay in gaariga qarxay uu soo dhaafay dhowr Kontorool oo ay ciidamada Ku Leeyihiin Muqdisho, iyadoona La soo warinayo in khasaaro uu dhashay qaraxa.
Qaraxa ayaa waxaa uu Ku soo beegmayaa xilli wadooyinka Muqdisho ay ciidamada amaanka Ku xireen dhagxaan, taasi oo amniga lagu xaqiijinayo.