Uncategorized

Qaraxyo Is-xig xiga oo ka dhacay Meel u dhow Taliska guud ee Booliska Suuriya

Saddex qof oo miidaame ah ayaa isku qarxiyey meel u dhaw taliska guud ee booliska Suuriya oo ku yaal magaalo madaxda Dimishiq.

Wakaaladda wararka dawladda ee SANA oo soo xigatay sarkaal ka tirsan wasaaradda arimaha gudaha ayaa sheegtay in uu yidhi “argagixisadu waxay isku dayeen in ay galaan dhismaha taliska guud ee booliska oo ku yaal wadada Khaalid Bin Waliid ee magaalada Dimishiq”, waxaanu intaa ku daray in askar ilaalo ah “ay ka hortageen dadkii miidaamaha ahaa, oo ay markii ba is qarxiyeen intaanay sooba gelin gudaha”.

Sarkaalku waxa kale oo uu sheegay in ay u suurto gashay in ay ku hareereyaan qof kale oo miidame ahaa halka laga galo suuqa Albaalah oo u dhaw isla wadadaa Khaalid Bin Waliid, sidaana uu isku qarxiyey.

Taliyaha booliska gobolka Dimishiq ayaa isna sheegay in weerarkaasi galaaftay ugu yaraan laba qof oo ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen oo qaarkood qabaan dhaawacyo halis ah.

Badhtamaha caasimada Suuriya ayaa si marka loo eego ka badbaaday dagaalka ka socda daafaha kale ee magaalada, walow mararka qaarkood weeraro dhif ahi ka dhacaan.

Bishan horaanteedii ayaa bar kaantarool oo boolisku ku leeyihiin magaalada weerar lagu qaaday ay ku dhinteen 17 qof, waxaana weerarkaa sheegatay kooxda la baxday Dawladda Islaamka.