Somali News

Miinooyin laga soo saaray Waddo ku taala degaanka Qooqaani ee Jubada Hoose

Kismaayo-KNN-Saraakiil katirsan Milateriga Soomaaliya ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in tiro miinooyin ah ay ka soo saareyn degaano katirsan Jubada Hoose. Qaraxyada ayey sheegeyn iney ku aaseyn Al-shabaab wadooyin muhiim u ah isu socodka Gaadiidka dadweynaha.

Wakaaladda Wararka ee SONNA oo ku hadasha afka Dowladda ayaa lagu sheegay in Miinooyin badan laga soo saaray degaanka Qooqaani ee jubada Hoose, halkaasi oo ay baaritaano kawadaan Ciidamada Soomaaliya.

Horraantii todobaadkan ayaa hawlgal ka dhacay deegaanka Baarsanguuni ee gobolka Jubada hoose lagu dilay in ka badan 70 katirsan Al-shabaab, ka dib dagaal dhulka iyo duqayn cirka ah oo lagu qaaday, Sida ay sheegtay SONNA.