Somali News

Qaraxyo lagu qabtay Boosaaso

Boosaaso-KNN-Ciidamada ammaanka maamulka Puntland ee PSF  iyo booliska gobolka Bari ayaa saaka howlgallo xoogan ka sameeyay  qaybo ka mid ah xaafadaha kala duwan ee magaalada Boosaaso.

Howlgalkan ayaa waxaa uu daba socdaa qaraxyo xalay ay ciidamadu ka soo saareen bartamaha magaalada Boosaaso.

Waxaa ayna baadi goobayeen shaqsiyaad ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Daacish iyo Alshabaab oo ku sugan gudaha magaalada, waxaa ayna ciidamada soo qabteen walxaha qarxa oo lagu waxyeelayn lahaa dadka shacabka ah.

Sidoo kale Ciidamada ayaa waxa ay ku guulaysteen inay soo furaan qaraxaan oo lagu xiray wadada laamiga ah ee dheer gaar ahaan agaarka Mareera Spare parts.

Saraakiisha ciidamada ayaa soo bandhigay qaraxyadii lagu aasay goobtaasi, gaarigii lagu qarxin lahaa iyo sidoo kale dhammaan macluumaadkii la xiriiray.

Guddoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys(Dhedo) oo shir Jaraa’id ku qabtay Boosaaso ayaa sheegay in qaraxa xalay la dhigay Soonaha Baxayo ee Magalada Boosaaso,halkaas oo Ciidamada Puntland ay fariisin ka dhigtaan xilliyada qaar dad Shacab ahna ay ku badan yihiin.