Somali News

Qareen kamid ah difaacayaashii ragga ku eedeysan dilkii Caa’sha Ilyaas oo Xabsiga loo taxaabay

Garowe-KNN-Mustaf Maxamed Jaamac oo kamid ahaay Qareennadii u doodayey Seddaxdii eedeysane ee looheystay kiiska Caa’isha Ilyaas Aadan, ayaa Maxkamadda darajada kowaad ee Gobolka Nugaal, waxa ay u jartay waaran lagu soo xirayo.

Sidaan oo kale Taliyihii Laanta dambi baarista CID-da ee gobolka Nugaal Col. Abshir Cismaan Cali, ayaa maalmo kahor waxaa loo jaray waaran lagu soo xirayo, kaas oo lala xariiriyey kiiskii marxuum Caa’sha Ilyaas.

Xeer ilaalinta Gobolka Nugaal, ayaa Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka 27-kii bishaan u gudbisay,  dawcad ka dhan ah mid kamid ah, Qareennadii difaacayey ragga ku eedaysan kiiska Caa’isha Ilyaas, waxaana Xeer-ilaalintu Qareenka ku eedaysay aflagaaddo, cay iyo iska horkeenid shacabka iyo hey’adaha garsoorka  Puntland.

Xeer ilaalinta ayaa maxkamadda ka codsatay, in xabsi ku hayn loogu sameeyo Qareenka, iyadoo maxkamadduna codsigaasi ogolaatay, islamarkaana ay waaran lagu xirayo u jartay Mustaf, Guddoomiyaha Maxkamadda darajada kowaad ee Gobolka Nugaal Sheikh Cabdinuur Jaamac, ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Nugaal ku amray, in uu xabsiga ku hayo Qareen Mustaf Maxamed Jaaamac.

Hoos ka Akhriso Waaranka:-