Uncategorized

Qatar “Muddo Shan bilood ah ayaa go’doon ugu jirnaa koox ka mid ah Dowladaha Carbeed”

Muqdisho-KNN-Amiirka Qatar ayaa sheegay in koox ka mid ah dowladaha Carabta ay xannibeen dalkiisa mudo shan bilood ah ay raadinayaan “isbeddel xasaasi ah”.

Sheikh Tamim Bin Hamad al-Thani ayaa sheegay in ay tahay Mid iska Cad isla markaana Ladoonayo in lagu Dhibaateeyo Amaanka Qadar, in afarta hoggaamiye ee Sacuudiga ay isku dayayaan in ay ku qasbaan isbedel hogaaminaya Qadar.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Baxreyn ayaa xiriirkii Qadar jaray 5-tii June waxayna ku soo rogeen xayiraad dhul, bad iyo cirka, Ayadoo lagu eedeeyay taageerada “argagixisanimo” Doha ayaa beenisay Eedeymaha Loosoo jeediyey.

“Waxaan dooneynaa xoriyada Hadalka  sidaa darteed waxay u maleynayaan in tani ay tahay halis iyaga u gaar ah”

Sheikh Tamim wuxuu noqday amir sannadkii 2013-kii isagoo da’diisu ahayd 33 jir, ka dib markii Aabihiis, Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani, u wareejiyay Awoodiisa.

Sheikh Hamad wuxuu awood u yeeshay 1995-kii, halka aAbbihiis uu ku jiray safar dibadeed Waxa uu ka badbaaday isku daygii afduubka 1996-kii iyo sanadihii la soo dhaafay ee Qatar uu kobcay koboc dhaqaale oo deg-deg ah, oo ay gacan ka geysatay kaydka gaasta ee dabiiciga ah.