Somali News

Qatar & Turkiga oo oo cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay ka geysteen deegaanka Ceelbaraf

Dowladdaha Qatar iyo Turkiga ayaa war kasoo saaray weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo uu ka dhashay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu horreyn war-saxaafadeed kasoo baxay

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Qatar ayaa lagu cambaareeyay weerarkii culuslaa  ay Ururka Al-shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin degaanka Ceel-baraf  ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo ka socda Ciidanka Burundi.

Sidoo kale, Qatar ayaa markale ku celisay mowqifkeeda adag oo ay ku diidan tahay rabshadaha iyo falalka argagixisada ee Al-Shabaab ka fuliyaan Gudaha dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay si adag u cambaarayneyso weerarkii lagu bartilmaamedysaday saldhig Ciidanka Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf, kaas oo ay Al-shabaab ku dileen Askar ka tirsan Ciifanka Burundi ee Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Turkiga ayaa si Wadajir ah tacsi ugu wada dirtay dowladaha Burundi & Soomaaliya intii ku dhimatay weerarka, waxaana ay caafimaad deg deg ah u rajeysay kuwii ku dhaawacmay.

“ Waxaan tacsi u direynaa dowladda Burundi oo aan walaalo nahay & Dowladda Soomaaliya dadkii ku dhintay weerarkaas, waxaana u rajeyneysaa caafimaad degdeg ah kuwa dhaawacmay ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Ugu dambeyn dowladfa Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonto garab istaagga Soomaaliya ee la xiriira dagaalka ka dhanka waxaa loogu yeero argagixisada, waxaana ah bogaadisay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS oo dagaal adag kula jira  Ururka Al-shabaab.