Somali News

Qaxooti Nigerian ah oo gaaray dalka Cameroon

Muqdisho-KNN-Hay’adda samafalka caalamiga ah ee Médecins Sans Frontières MSF ayaa waxa ay sheegtay in kumannaan qof ay isaga qaxeen waqooyi bari waddanka Nigeria iyagoo u cararay dalka dariska ah ee Cameroon, kaddib markii uu Isniintii halkaasi ka dhacay weerrar argagixiso.

Sida ay sheegayso hay’adda MSF, 8000 oo qof ayaa waxa ay isaga carareen magaalada Rann ee gobolka Borno kaddib markii ay halkaasi la wareegeen maleeshiyaadka.

Bayaan ay soo saartay Arbacadii ayaa MSF waxa ay ku sheegtay in dadkii weerrarka ka badbaaday ay bilaabeen inay lug ku soo gaaraan magaalada Bodo ee waqooyiga dalka Cameroon, kaddib weerrarkii Isniintii.

Dadkaas ayaa soo qaxay kaddib markii maleeshiyaadka ku sugan magaalada Rann ay gubeen guryo iyo bakhaaradda cuntada lagu kaydiyo.