Uncategorized

Qaxooti Soomaali ah oo lagu Xir xiray Wadanka Yemen

Warbaahinta dalka Yemen ayaa baahiyay in ciidamada booliska dalka Yemen ay dalkaasi ku xireen illaa iyo 200 oo ruux oo qaxooti Soomaali ah kuwaasoo la sheegay inay si tahriib ah dalkaasi ku tageen.

War booliska Yemen kasoo baxay ayaa waxaa lagu sheegay in dadkaan Soomaalid ah lagu xiray magaalo ku taala gobolka Xadromuud la yiraahdo oo koofurta Yemen ku yaala.

Soomaalidaan qaxootiga ah ayaa markii la xirayay waxay ku sii jeedeen magaalada Mayfa sida warbaahintu qortay.

Warbaahinta Yemen oo soo xiganaysa saakiil boolis ah ayaa sheegay in dadka la xiray oo doonayay inay u gudbaan dhanka Sacuudiga inay u badan yihiin dumar iyo caruur waxaana boolisku sheegeen inay doonaayaan in dadkaan dib ugu celiyaan xero ay ku jiraan qaxootiga Africanka ah ee ku taala gobolka Shabwa.

Hay’adda Q,M u qaabilsan dadka soo galootiga ah ee IMO ayaa sheegtay in bishaan qiyaastii 133 ruux oo Soomaali ah ay dalka Yemen kasoo tageen oo ay dalkooda dib ugu soo laabteen.