Somali News

Qaxooti Soomaliyeed oo dalka lagu soo celshay

Berbera-KNN-War kasoo baxay Jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa gaar ahaan qeybta uqaabilsan qaxootiga ayaa lagu sheegay in 116 qof oo qaxooti Soomaali ah laga soo diray dalka Yaman , si nabad ahna ay kusoo gaareen magaalada Berbera ee Soomaaliland.

UNHCR ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay soo celinta qaxootigan Soomaalida ah, hayadda ayaa intaa waxa ay ku dartay in sanadkan 2018-ka ay Yaman kasoo celiyeen 1,321 qof, halka sanadkii hore ee 2017 ay dib usoo celiyeen 2,000 oo qaxooti Soomaaliya ah.

Dadkan ayaa la sheegay in la kaalmeyn doono tan iyo inta ay sida rasmiga ah ay kala qabsanayaan deeganada cusub ee ay yimaadeen.