Uncategorized

Qaybdiid”Uma dulqaadan doono falkii Gurigayga lagu galay”

Muqdisho-KNN-Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid oo Goor-dhaw warbaahinta la hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii lagu qaaday Guriga Qaybdiid.

Shir jaraa’id uu ku qabtay Gurigiisa isaga iyo Xildhibaano kale ayuu ku sheegay in Gurigiisa ay soo galayn Ciidamada Nabad sugidda gaar ahaan kuwa afka duubam ee Imaaraadka tababaray waxa uuna sheegay in ay hanti badan ka qaatayn.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya Gen Qaybdiid ayaa sheegay in la jir dilay Xaaskiisa Gurigiisana la bilalaqaystay taasna aan loo dulqaadan doonin.

Qaybdiid ayaa dalbaday in laga jawaabo falkii dhacay ama ay ka dhalan doonto Cawaaqib xun.