Uncategorized

Qeybtii u horeysay Ciidamada AMISOM oo todobaadka soo socda ka baxaya Soomaaliya

Muqdisho–KNN–Illaa Kun askari oo ka mid ah howl galka AMISOM ayaa bisha soo socota ka bixi doona Soomaaliya, iyadoo lagu wado in qeybtii u horeysay ka bixitaanka Ciidamada ay bilaaban doonaan horaanta Todobaadka soo socda.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Uganda Richard Karimere ayaa sheegay in illaa 281 askari oo u dhashay dalka Uganda, qeybna ka ah 1,000 askari laga soo saari doono Soomaaliya horaanta todobaadka soo socda

Qorshaha ka bixitaanka Ciidamada Uganda ayaa qaadan doona illaa 31 bisha December ee dhamaadka sanadkan.

Saraakiisha UPDF ayaa sheegay in go’aanka ka bixitaanka AMISOM uu yahay sidii Ciidamada Ammaanka Soomaaliya fursad loogu siin lahaa sidii ay ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen.

Cutubkii u horeeyay Ciidamo ka socda Uganda ayaa Soomaaliya yimid sanadkii 2007, waxaana ay Soomaaliya ka howl galayeen muddo 10 sano ah, waxaana tan iyo mudadaas Ciidamada Uganda kaga dhintay Soomaaliya ciidamo fara badan oo ay ugu dambeysay 12 askari oo bilo ka hor looga dilay deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa bishii May ee sanadkan hal sanno ugu kordhiyay howl galka AMISOM illaa sanadka 2018, sidoo kale waxaa bishii August ee sanadkan isku raacay in la dhimo tirada Ciidamada jooga Soomaaliya, lagana soo saaro kun askari, kaddib markii Midowga Yurub ay jarteen dhaqaalihii ay ku bixinayeen Howl galka AMISOM.