Somali News

Qiimaha iyo waqtiga duullimaadyada Kismaayo iyo Nairobi oo kordhay

Kismaayo-KNN-Waxaa toddobaad laga joogaa markii Hay’adda duulista hawada ee Soomaaliya ay shirkadaha diyaaradaha ku wargelisay in dhamaan duullimaadyada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ee magaalada Kismayo in ay soo maraan Muqdisho.

Go’aanka dowladda ay ku soo rogtay duullimaadyada oo u muuqda mid dhaqan galay ayaa saameyay dadka rayidka ah ee adeegsada diyaaradaha isaga kala goosha magaalooyinka Nairobi iyo Kismayo.

Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha Soomaalida ee xaafiisyada ku leh magaalada Kismaayo ayaa sheegay inay kordhiyeen qiimaha lagu raaco diyaaradaha.

Sababta ay u kordhiyeen ayey ku sheegeen go’aankii dowladda, waxeyna sheegeen inay dhib ku qabaan duulimaadka soo kordhay oo ay khasabka tahay in diyaaradii ka baxda Kismaayo toos u aado Muqdisho, markaas kaddibna ay u duuleyso Nairobi, taar oo ka dhigan in saacad iyo bar safarkii qaadan jiray uu hadda labo u jubaarmay.

Sidoo kale dhaqaalihii lagu raaci jiray diyaaradaha ayey sheegeen inay kordheen, maadaama uu kordhay duullimaadkoodii ay ku tagijireen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.