Boosaaso-KNN-Qiimaha Khudaarta suuqyada magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku yimid sare u kac aad u ballaaran, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Qeybo kamid ah Khudaarta oo ka imaan jirtay dhinaca dalka Itoobiya ayaan imaan maalmihii lasoo dhaafay iyo deegaanada ka tirsan puntland, maadaama ay wadooyinka biyo xireen, taasina waxaa ay saameyn ku yeelatay shacabka ku nool Magaaladaasi.
Khudaart sare u kacay ayaa waxaa ka mid ah Yaanyada, Basasha, Baradhada iyo kuwa kale.
Shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ayey saameyn badan ku yeelatay sare u kaca ku yimid sicirka khudaarta Magaalada Boosaaso, Waxeyna sheegeen in loo baahanyahay in wax laga qabto wadooyinka xiliganxiran.
Magaalada Boosaaso ayaa ku jirta xaalad go’doon ah kadib markii khudaarti imaan jirtay Puntland ay samayn xoogan ku yeesheen roobabki ka da’ay Puntland, kuwaas oo jaray qaar kamid ah waddooyinkii muhiimka ah.