Somali News

Qiimaha Xajka iyo shirkadaha daabulaya xujeyda oo la shaaciyey

Muqdisho-KNN-Guddiga loo xilsaarey diyaarinta adeegyada xujeyda sanadkan ayaa soo saarey go’aano ku aadan arrimaha xajka, iyagoo ku dhawaaqey in shirkadihii ku guuleystey adeega Xajka sanadkan in ay bulshada u qabtaan.

Cabdi qani Qorane oo ah afhayeenka guddigaan ayaa sheegay in sanadkaan lagu aadayo xajka 3600$, taasi badalkeedane uu helayo xaajiga soomaaliyeed ee lacagtaasi la qaaday adeeg fiican .

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in 54 shirkadood ay ku guuleysteen daabulidda u adeegidda xujeyda soomaaliyeed kuwaasi oo lagula xisaabtamayo wixii qaladaad ee dhaca.

“Shirkadaha kama kordhin karaan lacagtaasi intaasi,” ayuu Guddiga raaciyey, isaga oo sheegay in shirkadii ka talaabtay jaan-goyntaasi ay wayn doonto ruqsadda.

Tartanka oo ay ka qaybgaleen 84 shirkadood ayaa waxaa kasoo baxay 50 shirkadood.

Halkan hoose ka Akhriso:-