Uncategorized

Miino ku qaraxday Qof ku aasayay Beladweyne.

Beladweyne-KNN-Wararka aan ka heleyno maagalada Beladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe  miino kula qaraxday qofkii ku  aasayay agagaarka garoonka diyaaradaha ee magaalada Beladweyne.

Saraakiisha amaanka ee Gobalka Hiiraan ayaa halkaasi gaaray, iyagoona u soo bandhigay warbaahinta miino kula qaraxday  ninka aasayay, waxaana la sheegay in miinadaasi aysan geysan wax khasaaro ah, marka laga reebo ninka miinada la qaraxday.

Ninka miinada la qaraxday ayaa lagu sheegay inuu ku aasayay xaafad ku taala meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalda Baledweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Goobta uu  qaraxa  ka dhacay  ayaa weaxaa gaaray maamulka Gobalka Hiiraan halkaasi oo markii dambe kula hadlay wariyeyasha.

Dhankale Magaalada beladweyne ayaa xalay waxaa lagu dilay Gudoomiyihii hore ee dagmada Buula burde Cabdi Iidow Warsame, oo kooxo hubeysan xalay ay ku toogteen Xaafada Xaawo-taako ee Beledweynem,isaga oo ka soo baxayay Masaajid ku yaala Xaafadaasi.

magaalada baladweyne ayaa ka mid ah meelaha inta badan ay ka dhacaan qaraxyada iyo dilalka qorsheysan ee lala beegsanayo Masuuliyiinta Maamulka gobalka hiiraan.