Somali News

QM iyo Bankiga adduunka wafdi ka socda oo Muqdisho kusoo wajahan.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 12-ka bishan ay Muqdisho imaan doonaan wafdi heer sare ah oo ka kala socda Qaramada Midoobe iyo Bankiga Adduunka.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in ujeedka booqashada wafdigan ay tahay sare u qaadidda howlaha bini-aaddan-nimada Soomaaliya, taageeridda nabadda iyo dedaallada horumarinta Dalka loogu jiro.

Wax ka qabashada arrimaha barakacayaasha iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladaha nini’aaddan-nimo ee Soomaaliya ayaa a mid ah arrimaha wafdigan socdaalkooda uu salka ku haayo iyo sidii sidii loo xoojin lahaa taageerada ay beesha caalamku u fidiso Soomaaliya.