shil
Somali News

QM iyo Midowga Afrika oo sheegay inay gacan ka gaysanayaan baaritaanka diyaaraddii ku burburtay gobolka Baay

Muqdisho-KNN- Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika ayaa waxa ay ka hadleen diyaaraddi ku dhacday degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxa ayna sheegeen in ay aad uga xun yihiin burburka ku yimid diraaddaasi.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay gacan weyn ka gaysan doonaan baaritaannada lagu samaynayo , diyaaraddii ku burburtay degmada Baardaale ee gobolka Baay.

Diyaadda ayaa waxa ay ku dhacday degmada Bardaale ee gobolka Baay, waxaana saarnaa agab caafimaad, iyadoo ay ku dhinteen sida la xaqiijiyay lix ruux oo isugu jiray Kenyaan iyo Soomaali.

Waxaa xusid mudan in shalay goobtii ay diyaaraddu ku dhacday ay gaareen wafdi isugu jira wasiiro ka socda dawlada Soomaaliya, maamulka KGS safiirrada dalalka Soomaaliya iyo Kenya iyo masuuliyiin kale , kuwaas oo qiimeyn iyo baaritaan ku samaynayay sababta ka dambaysa burburka diyaaradda.