Somali News

QM oo dolwadda Kenyan ka codsatay in Qoxootiga Soomaaliyed ay u oglaato xoriyad inay ku ganacsadaan.

Muqdisho-KNN-Qaramada Midoobey ayaa weydiisatay Dolwadda Kenya in ay qoxootiga u ogolaato dhaq-dhaqaq xor ah si ay awood ugu yeshaan in ay ganacsadaan.

Wakiilka Gaarka ah ee heey’adda UNHCR u qaabilsan Qoxootiga Soomaaliyeed Maxamed Cabdi Afeey ayaa sheegay in Xoriyaddu ay xoojin doonto dadka magan galiyo doonka ah.

Wuxuu sheegay in Qoxootigu ay culeeys ku yihiin wadamadda marti galiya hadana ay faa’iido u leeyihiin haddii dhaq-dhaqaaq xor ah la siiyo.

Kenya ayaa marti galisa Qoxooti badan oo ka kala yimid wadamadda dariska la ah, kuwa ugu badan waxay ka soo jeedaan Soomaaliya iyo koofurata sudaan.

Afey waxaa uu sheegay in Qoxootiga Soomaalidu ay faa’du uleyihiin Kenya, islamarkana ay ka qayb qaadanayaan kobaca dhaqaalaha hase ahaatee aysan heeysan Xoriyad ay ku dhaq-dhaqaan ama ay ku ganacsadaan.

Xilligii ay Soomaaliya gashay Dagaaladda sokeeye dad badan oo soomaaliyeed ayaa u qaxay Kenya, qaarkood hadda waxaa ay ka mid yihiin Ganacsatadda Canshuurta siiya Dowlada Kenya lehna Daaro dhisay bilicda dalkaas.